Horumarinta dhaqaaluhu kuma
tiirsana kaliya hantida dadeed ama lacag ee dal haysto, aqoonyahanada casrigaan
waxay ku doodaan inay jirto hanti sadexaad taas oo muhiim u ah nidaamka
waxsoosaarka, quudashada, keydinta, iyo maalgashiga, waana hantida kheyraadka
dabiiciga ah ee dal walba alle ku manaysto.
Somalia waa dal nasiib badan
marka dhinaca kheyraadka dabiiciga ah iyo booska strategy ga ee ilaahay dhigay laga eego, dhinaca kale hadii laga eego eego
na waa dal nasiib xun oo dadkii iyo dowladii ku habooneyd aan weli helin.
Maxaa u sababa fakhirga iyo dhaqaala la’aanta in haysata?
Suaashaas waxan hordhigay dalka
iyo dadka soomaaliyeed mid walbana wuxuu iigu jawaabay sidii ay ula muuqatay.
Dadka soomaaliyeed waxay
eedeynayaan dalka, waxay aaminsan yihiin in dalkani yahay fakhri gaajada iyo
dhibka haysata na uu u sabab yahay dalkan inkaar ta qaba hadii ay mar qudha
dunidaa horumartay tagi lahaayeenna ay ka bixi lahaayeen dhibka,
Dalku wuxuu eedeynayaa dadka,
wuxuu aaminsan yahay in dadku yahay kuwa mashaqays tayaal ah, jaahiliin ah,
matashadayaal ah oo an lahayn awood ay ku lasoo baxaan kheyraadka dhexdiisa
ceegaaga, hadii bulshada horumartay eeku nool dunidaa horumartay ey mar qudha
dalkan soo dagi lahaayeenna uu noqon lahaa dal qani ah dadkiisuna qani yahay oo
dunida magac ku leh.
Markii aan dhagaystay dooda dadka
iyo dalka waxaa iisoo baxday inan dadka soomaaliyeed iyo dowladoodu ay eeda leeyihiin
Sababta aan fakhriga u nahay na ay
tahay inaan anagu dooranay inaan fakhri ahaano, inaynaan ka faaidaysan
kheyraadka dabiiciga ah ee alle nasiiyay, aqoon la’aan, karti yari ama ama si
kale oo ay inaka noqotay ba, hadaba waxaan go’aansaday inaan doorkayga qaato oo
aan dadkayga u sheego wadadii aan dhamaanteen qaniga ku noqon lahayn kanina waa
maqaalkii kowaad ee an arrinkaa ka bidhaamin doono.
Maxay yihiin kheyraadka dabiiciga ah, Somalia intee nooc ayay leedahay?
Kheyraadka dabiiciga waa shey
walba oo qiimo ku leh sida dabiiciga ah ee alle u sameeyey waxa kaliya ee uu
ubaahan yahay na uu yahay lasoo bixid (Extraction) ama Sifayn (Purification)
Kheyraatka dabiiciga ah waxay u
qaybsamaan kuwa iscusbooneysiin karo
(Renewable) sida Biyaha iyo tamarta qorraxda (Solar Energy) iyo kuwa aan la cusbooneysiin Karin (Non
Rewable) sida Saliida iyo dhuxul dhagaxda.
Somalia waxay leedahay kheyraad
dabiici ah oo badan waxaana kamid ah inta la xaqiijiyay.
1. Kalluunka (Fish resources)
2. Saliida (Oil)
3. Gaaska dabiiciga ah (Natural Gas)
4. Dhul wax beerida ku haboon (Fertile Land)
5. Biyo (Water resources)
6. Tamarta qorraxda (Solar energy)
7. Dahabka (Gold)
8. Birta dhulka laga qodo (Iron ore)
9. Nuclear
10. Xoolaha (Live Stock)
11. Dheemanka (Daimond)
12. Beeyada iyo fooxa (Frankincense and myrrh)
13. Tin
14. Gypsum
15. Bauxite
16. Copper
17. Cusbada (Salt)
18. Shidaalka (Petrol)
Baaritaan dheer kadib waxaa soo
helay sideed iyo tobankaas nooc oo kheyraatka kamida inaan haysano dalkeenu na
leeyahay, hadii ad mid walba baaritaan ku samaysid waxa helaysaa xogo fara
badan oo hal qormo iyo lababa lagusoo koobi Karin, tusaala ahaan Somalia waxay
leedahay keydka kalluun ee ugu wayn iyo xeebta ugu dheer qaarada Africa, keydka
labaad ee shidaalka woqooyiga iyo bariga Africa Sudan oo kaliya ayaa ka
horeysa, Dalkeennu waa dalka kowaad ee ugu geel badan aduunka halka Adhiga na
uu yahay dalka labaad, iyada oo waxaas oo dhami jiraan hadana Somalia wali waa
dalka ugu fakhrisan aduunka, Sabab?
Sababtu waa iska fududahay hadii
ad haysatid lacag badan laakiin aadan isticmaalin, waxa aad u baahantahay aadan
ku gadan, cunto iyo dhar aadan haysan oo dadka dariska ah cunto iyo dhar
kusiiyaan adiga oo laga yaabo inaad ka lacag badantahay markaas waxaa tahay
fakhri ga nooca loo yaqaan (Relative Poverty) kaas oo ka duwan (Absolute
Poverty) oo ah qofka an waxba haysan oo fakhrigu ka dhab yahay.
Somalia waa Relative poverty,
hantidii waa haysataa, biyo, xoolo, beero iyo kalluun ba waa haysataa hadana
waa fakhri wax ay cunto ma haysato, dunida ayaa la inooka keenaa wax walba,
mararka qaar dadkeenu haraad ayay u dhintaan iyadoo laga yaabo hadii ay dhulka
2 mitir kaliya hoos u qodaan inay ka heli lahaayeen biyo, hadaba maxaan u baahanahay si aan fakhriga
uga baxno?
KAALINTII DOWLADDA EE
KOBCINTA KHEYRAATKA DABIICIGA AH IN LA BILAABO
Mudadii ay dhisnayd dowladda
Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka kajira waxay waqtiga ugu badan iyo
miisaaniyadda ugu badan ku bixiyeen dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, waxaa nasiib
darro ah in miisaaniyada sanadkaan ee dowladda federalka ah aysan wax door ah
ku lahayn kobcinta kheyraadka dabiiciga ah.
Soomaaliya amni darrada iyo
musuqmaasuqa waxaa u sabab ah waa dhaqaalo xumada dalka kajirta, mushkilad na
ma xallisanto hadii an sababta keentay meesha laga saarin.
Musuq lalama dagaalami karo hadii shaqaalaha dawladu aanay si joogta ah
u helin xuquuq ku filan bil walba, dawladuna uma siin karto shaqaalaha xuquuqdooda si
joogto ah hadii aysan helin dakhli ku filan oo soo gala, dakhli ku filanna
masoo galayo dowladda hadii dalku uuna lahayn waxsoo saar gudaha ah, waxsoo
saar gudaha ahna ma imaanayo hadii dowladu aanay kobcin kheyraatka dabiiciga ah
ee fudud sida kalluunka iyo beeraha oo hadii si fiican looga faaidaysto Somalia
ka dhigi kara dal qani ah oo dunida u dhoofiya khudaar, cunto iyo kalluun fara
badan oo sanadkii lagu qiyaasay 200 oo
Bilyan
Amni lama helayo inta dhallinyarada
soomaaliyeed 75% yihiin shaqo la’aan una nugul yihiin in looga
faaidaysto qaab khaldan, Shaqo na lama helayo hadii aanay dowladi abuurin,
dawladu shaqo ma abuuri karto hadii aanay kobcin kheyraatka dabiiciga ah ee
dalkani leeyahay, dalkasta wuxuu ku hodmaa siduu uga faaidaysto kheyraatkiisa
tusaala ah dalka Sweden wuxuu dalalka yurub oo dhan ka iibiyaa looxa oo uu
hodon ku yahay, Somalia na hodmi mayso ilaa aan kheyraarka dabiiciga ah ee ay
ugu horeeyaan beeruhu iyo kalluunku usoo
jeensano oo an uga faaidaysano, waxaa dad badani ku doodaan in dadka
soomaaliyeed aanay cunin kalluunka iyo dalaga dalka kazoo baxa laakiin yaynaan
ilaawin in Kenya ay khaatka beerto laakiin aanay cunin oo Soomaaliya iyo
dalalka lamidka ah ay ka iibiso dhaqaala badanna ka samayso.
Wasaarada Beeraha iyo
Wasaarada Kalluumaysiga Soomaalia maxay qabtaan?
Baaritaan dheer oo an ku sameeyey
shaqada wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda ee la rabay inay shaqaalaha ugu
badan u shaqeeyaan, dakhliga ugu badanna usoo xereeyaan dawladda waxaa iisoo
baxday inay yihiin wasaarada cidlo ah, shaqada ay hayaana ay kaliya ku
koobantahay seminaaro iyo shirar caalami ah oo ay ka qayb galaan.
Dowladda soomaaliya gaar ahaan
madaxweynaha iyo raisal wasaaraha waxaan kula talinayaa hadii ay rabaan ay
dalkan dhaqaalihiisa horumariyaan, amni la helo, caafimaad iyo waxbarasho
raqiis ahna dadka soomaaliyeed helaan waa inay labadaa wasaaradood xooga
saaraan, shaqaale iyo lataliyayaal khibrad u leh oo sameeya qorshayaan dhow iyo
mid fog ba loo dajiyaa, maalgashi caalami ah iyo mid gudaha ahna loo raadiyaa.
Dowladdu inta badan waxay ku
doodaa in horumarinta dalka ay hortaagan tahay amni darrada iyo kooxaha
argagixisada ah eeka taliya qayb kamida dalka laakiin taa badalkeeda inta ugu
badan dhulka xeebaha ah ee soomaaliya eeku haboon maalgashiga kalluunka waa
kuwa amni ah lagasoo bilaabo Saylac
ilaa Qandala ilaa Muqdisho, lagana fulin karo mashruuc
walba oo lagu horumarinayo waxsoosaarka
kalluunka.
Si loo horumariyo beeraha iyo
kalluunka dowladdu waa inay iskaashatooyin u samaysaa ganacsatada ku howlan si
loo mideeyo tabartooda iyo taladooda, iskaashatooyin ku waxay ka saacidayaan
ganacsatada inay wada gataan qalab casri ah oo ku haboon beerashada iyo
kalluumaysiga, waxay si wada jir ah uga faaidaysan karaan maalgashiga iyagoo
hirgalinaya warshado yaryar oo ay ku process gareeyaan waxay soo saaraan si
dunida loogu dhoofiyo.
Doorka dawladu wuxuu noqonayaa hagida
(Directing), dhiirigalinta (Promoting), Kabidda (Subsidizing) iyo Suuq gaynta
(Marketing) waxsoo saarka dalka, hadii si wax ku ool ah looga faaidaysto waxa
shaqo ka heli kara in ka badan 40% dadka shaqa la’aanta ah ee dalka,
waxayna 60% ku biirin lahayd GDP (Gross Domestic Product) ga dalka.
Marka la horumariyo labadaa
sector Beeraha iyo Kalluumaysiga, dawladdu waxay helaysaa dakhli ay ku dhisto
dalka, ku horumariso kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iyo airports ka, waxay
helaysaa khibrad ay ku fuliso kuna horumariso mashaariicda waawayn sida shidaal
qodista (Oil Extracting) iyo soo saarida macdanta kale ee dhulka ku kaydsan.
Gunaanad
Maqaalkan waxaan u qoray kadib
markaan arkay dadkii iyo dowladdii soomaaliyeed oo horumar raba laakiin aan
garanayn halkii ay ka bilaabi lahaayeen, marar badan waxaan arkay dadku doodaya
horumarku wuxu imaanaya markii ciidanka la dhiso, kuwa kale waxay aaminsan
yihiin in horumarku ku imaanayo deeqaha ama amaahda ay nasiiyaan bulshada
caalamku, Kuwaa aaminsan in dimuqraadiyad iyo daganaansho siyaasadeed uu ku
imaan karo horumar taabba gala halka qaar kale aaminsan yihiin in marka hore
qabyaalada la ciribtiro.
Laakiin waxaas oo dhami ma
xallismayaan hadii dadka aan la mashquulin, shaqooyin loo abuurin, waanaga
dowladnimada aanay dhadhamin iyadoo loo marayo kobcinta kheyraatka dabiiciga ah
iyo maalgalin tooda oo ah xalka ugu dhow ee waqtiga ugu yar lagu xallin karo
mushkilada dhaqaalo xumo iyo fakhri ee dalkan ragaadiyay.
W/Q: Abdullahi Nur
Ciid
AGAASIMAHA MACHADKA
Email:
Mrabdullahi.nur@gmail.com

Comments
Post a Comment