KOBCINTA ILAHA DHAQAALAHA DABIICIGA AH EE SOMALIA WAXAY KOR U QAADAYSAA DAKHLIGA DOWLADDA.


Horumarinta dhaqaaluhu kuma tiirsana kaliya hantida dadeed ama lacag ee dal haysto, aqoonyahanada casrigaan waxay ku doodaan inay jirto hanti sadexaad taas oo muhiim u ah nidaamka waxsoosaarka, quudashada, keydinta, iyo maalgashiga, waana hantida kheyraadka dabiiciga ah ee dal walba alle ku manaysto.

Somalia waa dal nasiib badan marka dhinaca kheyraadka dabiiciga ah iyo booska strategy ga ee ilaahay dhigay  laga eego, dhinaca kale hadii laga eego eego na waa dal nasiib xun oo dadkii iyo dowladii ku habooneyd aan weli helin.

Maxaa u sababa fakhirga iyo dhaqaala la’aanta in haysata?

Suaashaas waxan hordhigay dalka iyo dadka soomaaliyeed mid walbana wuxuu iigu jawaabay sidii ay ula muuqatay.

Dadka soomaaliyeed waxay eedeynayaan dalka, waxay aaminsan yihiin in dalkani yahay fakhri gaajada iyo dhibka haysata na uu u sabab yahay dalkan inkaar ta qaba hadii ay mar qudha dunidaa horumartay tagi lahaayeenna ay ka bixi lahaayeen dhibka,

Dalku wuxuu eedeynayaa dadka, wuxuu aaminsan yahay in dadku yahay kuwa mashaqays tayaal ah, jaahiliin ah, matashadayaal ah oo an lahayn awood ay ku lasoo baxaan kheyraadka dhexdiisa ceegaaga, hadii bulshada horumartay eeku nool dunidaa horumartay ey mar qudha dalkan soo dagi lahaayeenna uu noqon lahaa dal qani ah dadkiisuna qani yahay oo dunida magac ku leh.

Markii aan dhagaystay dooda dadka iyo dalka waxaa iisoo baxday inan dadka soomaaliyeed iyo dowladoodu ay eeda leeyihiin Sababta aan fakhriga u nahay na ay tahay inaan anagu dooranay inaan fakhri ahaano, inaynaan ka faaidaysan kheyraadka dabiiciga ah ee alle nasiiyay, aqoon la’aan, karti yari ama ama si kale oo ay inaka noqotay ba, hadaba waxaan go’aansaday inaan doorkayga qaato oo aan dadkayga u sheego wadadii aan dhamaanteen qaniga ku noqon lahayn kanina waa maqaalkii kowaad ee an arrinkaa ka bidhaamin doono.

Maxay yihiin kheyraadka dabiiciga ah, Somalia intee nooc ayay leedahay?

Kheyraadka dabiiciga waa shey walba oo qiimo ku leh sida dabiiciga ah ee alle u sameeyey waxa kaliya ee uu ubaahan yahay na uu yahay lasoo bixid (Extraction) ama Sifayn (Purification)

Kheyraatka dabiiciga ah waxay u qaybsamaan kuwa  iscusbooneysiin karo (Renewable) sida Biyaha iyo tamarta qorraxda (Solar Energy)  iyo kuwa aan la cusbooneysiin Karin (Non Rewable) sida Saliida iyo dhuxul dhagaxda.

Somalia waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo badan waxaana kamid ah inta la xaqiijiyay.

1.       Kalluunka (Fish resources)
2.       Saliida (Oil)
3.       Gaaska dabiiciga ah (Natural Gas)
4.       Dhul wax beerida ku haboon (Fertile Land)
5.       Biyo (Water resources)
6.       Tamarta qorraxda (Solar energy)
7.       Dahabka (Gold)
8.       Birta dhulka laga qodo (Iron ore)
9.       Nuclear
10.   Xoolaha (Live Stock)
11.   Dheemanka (Daimond)
12.   Beeyada iyo fooxa (Frankincense and myrrh)
13.   Tin
14.   Gypsum
15.   Bauxite
16.   Copper
17.   Cusbada (Salt)
18.   Shidaalka (Petrol)

Baaritaan dheer kadib waxaa soo helay sideed iyo tobankaas nooc oo kheyraatka kamida inaan haysano dalkeenu na leeyahay, hadii ad mid walba baaritaan ku samaysid waxa helaysaa xogo fara badan oo hal qormo iyo lababa lagusoo koobi Karin, tusaala ahaan Somalia waxay leedahay keydka kalluun ee ugu wayn iyo xeebta ugu dheer qaarada Africa, keydka labaad ee shidaalka woqooyiga iyo bariga Africa Sudan oo kaliya ayaa ka horeysa, Dalkeennu waa dalka kowaad ee ugu geel badan aduunka halka Adhiga na uu yahay dalka labaad, iyada oo waxaas oo dhami jiraan hadana Somalia wali waa dalka ugu fakhrisan aduunka, Sabab?

Sababtu waa iska fududahay hadii ad haysatid lacag badan laakiin aadan isticmaalin, waxa aad u baahantahay aadan ku gadan, cunto iyo dhar aadan haysan oo dadka dariska ah cunto iyo dhar kusiiyaan adiga oo laga yaabo inaad ka lacag badantahay markaas waxaa tahay fakhri ga nooca loo yaqaan (Relative Poverty) kaas oo ka duwan (Absolute Poverty) oo ah qofka an waxba haysan oo fakhrigu ka dhab yahay.

Somalia waa Relative poverty, hantidii waa haysataa, biyo, xoolo, beero iyo kalluun ba waa haysataa hadana waa fakhri wax ay cunto ma haysato, dunida ayaa la inooka keenaa wax walba, mararka qaar dadkeenu haraad ayay u dhintaan iyadoo laga yaabo hadii ay dhulka 2 mitir kaliya hoos u qodaan inay ka heli lahaayeen biyo,  hadaba maxaan u baahanahay si aan fakhriga uga baxno?

KAALINTII DOWLADDA EE KOBCINTA KHEYRAATKA DABIICIGA AH IN LA BILAABO

Mudadii ay dhisnayd dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka kajira waxay waqtiga ugu badan iyo miisaaniyadda ugu badan ku bixiyeen dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, waxaa nasiib darro ah in miisaaniyada sanadkaan ee dowladda federalka ah aysan wax door ah ku lahayn kobcinta kheyraadka dabiiciga ah.

Soomaaliya amni darrada iyo musuqmaasuqa waxaa u sabab ah waa dhaqaalo xumada dalka kajirta, mushkilad na ma xallisanto hadii an sababta keentay meesha laga saarin.
Musuq lalama dagaalami karo hadii shaqaalaha dawladu aanay si joogta ah u helin xuquuq ku filan bil walba, dawladuna  uma siin karto shaqaalaha xuquuqdooda si joogto ah hadii aysan helin dakhli ku filan oo soo gala, dakhli ku filanna masoo galayo dowladda hadii dalku uuna lahayn waxsoo saar gudaha ah, waxsoo saar gudaha ahna ma imaanayo hadii dowladu aanay kobcin kheyraatka dabiiciga ah ee fudud sida kalluunka iyo beeraha oo hadii si fiican looga faaidaysto Somalia ka dhigi kara dal qani ah oo dunida u dhoofiya khudaar, cunto iyo kalluun fara badan oo sanadkii lagu qiyaasay 200 oo Bilyan

Amni  lama helayo inta dhallinyarada soomaaliyeed  75% yihiin  shaqo la’aan una nugul yihiin in looga faaidaysto qaab khaldan, Shaqo na lama helayo hadii aanay dowladi abuurin, dawladu shaqo ma abuuri karto hadii aanay kobcin kheyraatka dabiiciga ah ee dalkani leeyahay, dalkasta wuxuu ku hodmaa siduu uga faaidaysto kheyraatkiisa tusaala ah dalka Sweden wuxuu dalalka yurub oo dhan ka iibiyaa looxa oo uu hodon ku yahay, Somalia na hodmi mayso ilaa aan kheyraarka dabiiciga ah ee ay ugu horeeyaan beeruhu iyo  kalluunku usoo jeensano oo an uga faaidaysano, waxaa dad badani ku doodaan in dadka soomaaliyeed aanay cunin kalluunka iyo dalaga dalka kazoo baxa laakiin yaynaan ilaawin in Kenya ay khaatka beerto laakiin aanay cunin oo Soomaaliya iyo dalalka lamidka ah ay ka iibiso dhaqaala badanna ka samayso.

Wasaarada Beeraha iyo Wasaarada Kalluumaysiga Soomaalia maxay qabtaan?

Baaritaan dheer oo an ku sameeyey shaqada wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda ee la rabay inay shaqaalaha ugu badan u shaqeeyaan, dakhliga ugu badanna usoo xereeyaan dawladda waxaa iisoo baxday inay yihiin wasaarada cidlo ah, shaqada ay hayaana ay kaliya ku koobantahay seminaaro iyo shirar caalami ah oo ay ka qayb galaan.

Dowladda soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo raisal wasaaraha waxaan kula talinayaa hadii ay rabaan ay dalkan dhaqaalihiisa horumariyaan, amni la helo, caafimaad iyo waxbarasho raqiis ahna dadka soomaaliyeed helaan waa inay labadaa wasaaradood xooga saaraan, shaqaale iyo lataliyayaal khibrad u leh oo sameeya qorshayaan dhow iyo mid fog ba loo dajiyaa, maalgashi caalami ah iyo mid gudaha ahna loo raadiyaa.

Dowladdu inta badan waxay ku doodaa in horumarinta dalka ay hortaagan tahay amni darrada iyo kooxaha argagixisada ah eeka taliya qayb kamida dalka laakiin taa badalkeeda inta ugu badan dhulka xeebaha ah ee soomaaliya eeku haboon maalgashiga kalluunka waa kuwa amni ah lagasoo bilaabo Saylac ilaa Qandala ilaa Muqdisho, lagana fulin karo mashruuc walba oo lagu horumarinayo waxsoosaarka kalluunka.

Si loo horumariyo beeraha iyo kalluunka dowladdu waa inay iskaashatooyin u samaysaa ganacsatada ku howlan si loo mideeyo tabartooda iyo taladooda, iskaashatooyin ku waxay ka saacidayaan ganacsatada inay wada gataan qalab casri ah oo ku haboon beerashada iyo kalluumaysiga, waxay si wada jir ah uga faaidaysan karaan maalgashiga iyagoo hirgalinaya warshado yaryar oo ay ku process gareeyaan waxay soo saaraan si dunida loogu dhoofiyo.
Doorka dawladu wuxuu noqonayaa hagida (Directing), dhiirigalinta (Promoting), Kabidda (Subsidizing) iyo Suuq gaynta (Marketing) waxsoo saarka dalka, hadii si wax ku ool ah looga faaidaysto waxa shaqo ka heli kara in ka badan 40% dadka shaqa la’aanta ah ee dalka, waxayna  60% ku biirin lahayd GDP  (Gross Domestic Product) ga dalka.
Marka la horumariyo labadaa sector Beeraha iyo Kalluumaysiga, dawladdu waxay helaysaa dakhli ay ku dhisto dalka, ku horumariso kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iyo airports ka, waxay helaysaa khibrad ay ku fuliso kuna horumariso mashaariicda waawayn sida shidaal qodista (Oil Extracting) iyo soo saarida macdanta kale ee dhulka ku kaydsan.

Gunaanad

Maqaalkan waxaan u qoray kadib markaan arkay dadkii iyo dowladdii soomaaliyeed oo horumar raba laakiin aan garanayn halkii ay ka bilaabi lahaayeen, marar badan waxaan arkay dadku doodaya horumarku wuxu imaanaya markii ciidanka la dhiso, kuwa kale waxay aaminsan yihiin in horumarku ku imaanayo deeqaha ama amaahda ay nasiiyaan bulshada caalamku, Kuwaa aaminsan in dimuqraadiyad iyo daganaansho siyaasadeed uu ku imaan karo horumar taabba gala halka qaar kale aaminsan yihiin in marka hore qabyaalada la ciribtiro.
Laakiin waxaas oo dhami ma xallismayaan hadii dadka aan la mashquulin, shaqooyin loo abuurin, waanaga dowladnimada aanay dhadhamin iyadoo loo marayo kobcinta kheyraatka dabiiciga ah iyo maalgalin tooda oo ah xalka ugu dhow ee waqtiga ugu yar lagu xallin karo mushkilada dhaqaalo xumo iyo fakhri ee dalkan ragaadiyay.

W/Q: Abdullahi Nur Ciid

AGAASIMAHA MACHADKA



Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com

Comments