Inbadan ayaa laga hadlay Qaad/Jaadka culuumo, dhakhaatiir iyo abwaano intuba so bandhigeen dhibtiisa ,oo umada kor iyo hoosba uga waaniyeen ugana wacyi galiyeen.
Nasiib darro lakiin dhalinyaro,wayeel, aqoonyahan, ganacsato, siyaasi iyo culimo ba dadkeeni wali wayku balaysanyihiin cunistiisa, wayna siilaba jibaarayaan jiil ba jiilka kasii dameeya..
Dhibta taa kaasiidarani waxay tahay ma amiinsanin ama kuma baraarugsanin in dhibaato ijtimaaci ahi, ina haysato.
Dhankasta oo aad bulshadeena ka eegto waxaa kaga muuqanaya dakharadiisa iyo sida uu dadkeena u curyaamiyey.
Sidaa awgeed waxaan qormadan ku faahfaahin doonaa dhiibaatooyinka caafimaad iyo shakhsiyadeed ee laga dhaxlo.
1: QODOBKA KOOWAAD
DHIBAAATADA CAAFIMAADKA (THE HEALTH EFFECT)
Dhinbta qaadka/jaadka maaha mid qoraal kooban, buug, iyo wixii lamid ah lagusoo uruurin karo.
Lakiin waxaan isku dayayaa inaan si kooban uga hadlo bal dhibta caafimaad ee laga dhaxlo cunistiisa.
waxaa la ogaaday sanadihii u dambeeyey daraasado iyo cilmibaadhisyo lasameeyey kadib la ogaaday in cunista qaadku/jaadku aysi toos ah xidhiidh ula leeday in kabadan labaatan xanuun oo kala duwan (twenty diseases- direct etiology) islamarkaana si,aan toos ahayn uu sabab ugu yahay inka badan konton xanuun oo kale (fifty diseases- secondary causes ).
Waxaan hoos kusoo qaadan doonaa iyagoo faahfaahsan qaar kamida xanuunada aan kor ku xusnay ee laga dhaxlo qaadka:-
1: XANUUNKA WADNO ISTAAGA (MYOCARDIAL INFARCTION/ISCHEMIC HEART DISEASE)
Xanuun kan waa xanuun si deg deg ah qofka ugu so booda isla markaana keena dhimasho degdeg ah.
Xanuunkani waxa uu ka dhasha wadnaha oo qaybka mida dhiiggu ka xidhmo taas oo ay ugu wacantay wareega dhiigga oo la kordhiyo xilliga qofku qaadka/jaadka cunaayo taas oo kalifta in (cholesterolka) ama xaydha ku jirtaa dhiigu ay gufayso xidadada wadnaha dhiiga siiya midka mida taasoo keenta ugu dambayn in wadnuhu si kadis ah shaqada u joojiyo uuna sababo dhismasho ama geeri lama filaan ah..
2: XANUUNKA FAALIGGA AMA DHIIGGA MADAXA KU FURMA (HEMORRHAGIC STROKE)
Xanuunkanii waa mid si degdeg ah qofka ugu so booda isla markaana dilaa ah, oo dadka uu asiibaa inta badan u dhintaan.
Xanuunkan waxaa keena xididada yar yar ee dhiiga maskaxda geeya ayaa dilaca ka dibna dhiigga ayaa qayb maskaxda ka mida ku furma taasoo keenta maskaxda inta dhiiggu gaadhay inay dhimato ama shaqayn waydo (brain tissue death).
Hadaba qaadka/jaadka marka qofku cuno waxaa kor u kacaa garaaca wadnaha taasoo sababta in cadaadiska dhiiggu xididada ku dhexmarayo ay kor u kacdo ugu dambayna ay xidadada yar yar ee maskaxdu dilacaan qofkana uu dhiig madaxa kaga furmo.
3: XANUUNKA QABSINKA (APPENDICITIS)
Xanuunkan qabsinku waa xanuun halis ah, lakiin hadii qaliin deg deg ah lagu sameeyo qofka uu aasiibo waa ka bogsadaa inta badan.
Hadaba xanuunkan waxaa uu ka dhashaa iney gufaysanto ama xidhanto qaybka mida midhicirka qofka, khaasatan halka ay midhicirka yar iyo ka wayni iskaga xidhmaan.
Sababo badan oo ay ka midyihiin calool istaagu, cuntooyinka anu dheefshiidkeenu ridqi karin iyo infagshanka ayaa keena inu xidhmo ama awdmo midhicirka qofku.
Hadaba qaadku/jaadku waxa uu ka midyahay waxyaabaha aanu dheefshiidkeenu ridqi karin isla markaana waxaa uu keena calool istaag taaso sabab uu noqota inuu ugu dambayn midhicirka qofku xidhmo qofkuna uu xanuunka qabsinku haleelo.
4: XANUUNKA QAAXADA (PULMONARY TUBERCULOSIS)
Xanuunka qaaxadu waxa uu ku dhacaa sanbabada ama habdhiska hawada waxaana keena jeermis ili ma qabatay ah.
xanuunkan waxaa lagu kala qaada neefta ama naqaska afka sida qufaca, hindhiisada iyo dadka meel qufulan wada seexda waxaana xanuunkan halis ugu jira markasta ama u nagul dadka difaacooda jidhku hooseeyo .
Hadaba qaadka/jaadka dadka cuna waxay mudo dheer ku cunaan meel qafilan ama xidhan oo dadbadani isugu yimadaan waxayna wada cabaan oo isu hambeeyaan sigaarka taaso sababta in xanuunkii si dhibyar u gudbo sido kale waxaa qaadku hoos u dhiga ama daciifiyaa difaaca jidhka qofka taaso sahasha in xanuunka qaaxada qofku unuglaado qaadidtiisa.
SAAMAYNTA SHAQSIYAADEED (PERSONALITY EFFECT)
Ilaahay (swc) ayaa quraankiisa inoogu sheegay in bina’aadmigu yahay makhluuqa uu abuuray kan ugu qiimaha badan, hadaba Qaadku/jaadku waxaa uu sitoos ah u dhaawacaa qiyamka iyo shaqsiyada qofka bina,adamka ah.
1. HANKA QOFKA AYUU DILAA QAADKU (POOR SELF ESTEEM)
✓ Qofka ama dadka qaadka cuna badankoodu kama fikiraan naftooda sida:- cibaadadooda, caafimaadkooda, cuntadooda, hugooda, waxbarashadooda iyo hoygooda midna.
✓ Inta badan waxa ay muhiimada koobaad siiyaan cunidda iyo raadinta qaadka taasoo wakhtigooda ugu badan ay ku bixiyaan.
✓ Inta badan dadka qaadka cunaa wax ay la saaxiibaan dadkale oo qaadka cuna taas oo dhaxalsiisa inay ka hadhaan dadka bulshada hormuudka u ah.
✓ Qofka qaad cunka ahi waxa uu la kulmaa takoor xaga shaqada ah waayo ilaalinta wakhtiga shaqada iyo aminaada dhaqaaleed oo aanu ku fiicnayn.
✓ Dadka qaadka cuna siiba da,yarta waxay u nugulyihiin isticmaalka daroogoyin kale sida (khamriga iyo xashiishada)
✓ Qodobadaas oo dhami waxay dhaxayl siyaan qaad cunka inu sawir xun naftisa ka aamino isla markaana u la qabsado xaalada hoosaysa ee u ku dhexjiro mar walba.
2: MASUULIYAAD DARRO (LACK OF RESPONSIBILITY)
✓ Dadka qaadka cuna inta badan wayka gaabiyaan mas’uulida qoyska, xaaska caruurta iyo xita naftooda taas oo sabab u noqota inu qofku isqomameeyo (feeling gilt) taas oo haday ku badato isu badasha xanuun dhimirka ah (Depression).
✓ Inta badan qofka qaadka cuna laguma aamino ka talinta iyo jaangoynta arrimaha bulshada sida horumarinta bulshada, waxbarashada, caafimaadka, dhaqalaha iyo hogaaminta.
DHAMAAD
W/Q: Dr. farhan hassan ismail (Gurey)
Email: farhan40566@gmail.com


Comments
Post a Comment